Baydhabo (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya qarax khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay oo maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.
Wararka ay heshay Halqaran News ayaa sheegaya, in qof isku soo xiray waxyaabaha qaraxa uu isku qarxiyay maqaayad lagu magacaabo Suweys oo ku taalla magaalada Baydhabo, iyadoo meel aan sidaasi uga fogeyn uu ku sugnaa guddoomiyaha gobolka Baay, Cali Wardheere Dooyow, balse uu qaraxaasi uu ka badbaaday, sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Qaraxaan ismiidaaminta ah ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen ilaa iyo 2 ruux, halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo isugu jiray qaar ka mid ah ilaalada guddomiyaha gobolka iyo dad shacabka oo goobta ku sugnaa.
War qoraal ah oo ka soo baxay ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxii maanta ka dhacay Baydhabo oo fuliyay nin isu soo xiray waxyaabaha qarxa oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
‘‘Waxay aheyd saaka barqadii abaare 11:15 AM, ayaa Qof naftii-halige ah isku qarxiyay Maqaayad laga shaah cabo oo lagu magacaabo Suweys Cafetary ka soo horjeedka Salaad Jeeri Tower Xaafada Bardaale ee Magaalada Baydhabo. Qaraxa ayaa sababay dhimashada 2 qof, dhaawaca 5 kale, iyo burbur hantiyeed‘‘, ayuu yiri afhayeenka booliiska Sadiiq Aadan Cali oo ka hadlay qaraxaasi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





