Sunday, June 14, 2026
25.8 C
Mogadishu

DF Somaliya oo digniin culus u jeedisay danjirayaasha Shisheeye ee ka howlgala Somaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Warfaafinta ee XF Soomaaliya, Mudane Cismaan Abokar Dubbe, ayaa ku adkeeyey danjireyaasha ka howl-gala Soomaaliya ilaalinta madaxbannaanida iyo qarannimada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Wasiir Dubbe ayaa tilmaamay in qoraallo ay soo saareen danjireyaasha shisheeye qaarkood ay ka baxsan yihiin shuruucda iyo curfiga diblumaasiyadeed, isagoo xaqiijiyey in dhaqanka noocaas ah aysan aqbalayn shacabka iyo dowladda Soomaliyeed.

“Dalalka caalamka waxaannu ka filaynaa inay ilaaliyaan madax-bannaanida iyo wadajirka bulshada caalamka. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa dal leh madax-bannaani buuxda, arrimaheeda guddahana waa lama taabtaan. Waxaa jira Danjireyaal u soo dira Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed farriimo aan waafaqsanayn shuruucda caalammiga ah, kana soo horjeedda ixtiraamka madax bannaanida dalalka, ku xadgudubka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa khad cas oo aan laga gudbi karin.”

Wasiirka Warfaafinta ee XF Soomaaliya, Cismaan Abuukar Duube ayaa sheegay in ciddii dambe ee farriimaha hanjabaad ah dowladda dhexe u soo dirta in laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga.

Si kastaba, qaar ka mid ah dowladdaha caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa saacadhii la soo dhaafay si adag u cambaareeyay khilaafka xooggan ee ka taagan doorashooyinka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...