Sunday, June 21, 2026
27.1 C
Mogadishu

UPDATE: Faah-faahin ku saabsan Qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya Qarax la sheegay in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka dhacay degmada Xamarjajab, gaar ahaan Afaafka hore Maqaayada lagu Magacaabo Luul Yamani.

Wararka ay helayso Halqaran News ayaa sheegaya, in Qaraxa uu geystay khasaare isugu jira dhimasho, Dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Goobta uu qaraxu ka dhacay oo u dhow Dekedda Muqdisho ayaa ah waddo Mashquul badan oo inta badan ay maraan gaadiidka, waxaana sidoo kale ku yaalla Maqaayado iyo goobo ganacsi.

Sidoo kale, guri dabaq ah oo ku yaalla ka soo horjeeda Maqaayada Luul Yamani ayaa dumay, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dad ay ku hoos jiraan.

Weli kama aysan hadlin hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya, waxaana wali socda Gurmadka loo sameynaayo dadka uu saameeyay Qaraxa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...