Sunday, May 10, 2026
28.1 C
Mogadishu

UPDATE: RW Rooble iyo Midowga Musharraxiinta oo hadda Shir uga socda Muqdisho +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharraxiinta ayaa goor dhow Shir uga furmay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho.

Waxaa shirkan sidoo kale ka qeyb galay Madaxweynaha maamulka Hirshabelle, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale.

Shirkaan oo ah kii 3-aad, waxaana looga hadlayaa xaaladda Siyaasadda ee dalka gaar ahaan dhanka doorashooyinka.

Mr Rooble iyo Midowga Musharraxiinta ayaa waxaa horay u dhexmaray labo kulan oo lagu dejiyay guud ahaan xaaladda dalka, waxaana sidoo kale lagu waddaa in kulankaan looga hadlo doorka ay ku leeyihiin Musharraxiinta hannaanka doorashooyinka dalka.

Kulankaan ayaa ah mid si weyn isha lagu hayo, maadaama looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka.

Wixii ka soo baxa kulankaasi kala soco wararkeena dambe ee Halqaran News

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...