Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

Maxaa baajiyay Shirkii 3-aad ee uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo?

Muqdisho (Halqaran.com) – Kaddib markii Khamiistii maanta lagu waday in Magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka ee dalka ayaa baaqday.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa habeenkii Isniinta iclaamiyay shir 4-ta bishan oo maanta ku beegan ka dhacaya Magaalada Muqdisho, laguna dhameystirayo wadahadaladii la xiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka, ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaan weli imaamin Magaalada Muqdisho, halka Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug ku maqan yihiin Magaalada Ankara ee dalka Turkiga, taasoo meesha ka saareysa suurtagalnimada in shirka uu maanta furmo.

Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Halqaran News ayaa sheegaya inaanu wax abaabul iyo dhaqdhaqaaq midna ka jirin Aqalka Villa Soomaaliya, halkaasoo uu Madaxweyne Farmaajo qorsheeyay in shirka lagu qabto.

Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa iyagu ka cago jiiday in shirka uga qaybgalaan Qasriga Madaxtooyada, taasi bedelkeedana waxay Puntland ku baaqday in lagu qabto Garoonka Aadan Cadde, halka Jubbaland ay soo jeedisay in shirkaasi uu ka dhaco goob amnigeeda lagu kalsoon yahay.

Ugu dambeyn, shirkii Khamiista maanta la filaayay inuu qabsoomo ayaa noqonaya kiisii 3aad ee uu Madaxweyne Farmaajo ku baaqay, balse aan qabsoomin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...