Thursday, April 23, 2026
28.3 C
Mogadishu

Ingiriiska oo aad u yareeay gargaarka uu siiyo dalka Yemen

London (Halqaran.com) –  Dowlad Ingiriiska ayaa aad u yareysay gargaarka ay siiso Yemen oo colaad lix sano ka socotay ay ragaadisay, waxa uuna arintaas ku sababeeyey in safmarka Corona uu keenay “duruufo adag oo maaliyadeed oo dunida wada saameesey”.

Xaaladda Yemen ka jirto ayaa lagu tilmaamay in ay tahay dhibaatada bini’aadannimo ee ugu xun adduunka, waxaana la sheegay in dad tiradooda lagu qiyaasay 20 milyan oo qof oo ah saddex meelood laba bulshada Yemen ay  ku tiirsan yihiin gargaarka bini’aadannimo.

Colaadaha ka socda Yemen waxaa u dheeri ah in uu burburay nidaamkii caafimaadka, waxa ayna keentay in dalku waxba ka qaban kari waayo safmarka caabuqa Corona. Yareynta gargaarka Ingiriisku siiyo Yemen, waxaa isniintii lagaga dhawaaqay shir ay yeesheen deeq-bixiyeyaasha.

Colaada Yemen waxa ay bilaabatay dabayaaqadii 2014-tii, waagaas oo fallaago gacanta ku dhigtay inta badan galbeedka dalka, waxaana xulufo sacuudigu hoggaaminayo guluf ku qaaday si dalka loogu soo celiyo xukunka Madaxweyne Cabdirabuu Mansuur Haadi.

Dowladda Mareykanka ayaa madasha ka ballan qaaday in uu bixin doono 191 milyan oo doolar oo dheeraad ah, taas oo ka dhigaysa wadarta dhaqaalaha uu sannadkan ugu deeqay Yemen 350 milyan oo doolar.

Sayid Omar Hajji – Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...