Thursday, April 30, 2026
28.1 C
Mogadishu

Maamulka Gobolka Banaadir oo Amarro deg-deg ah ku soo rogay Shacabka Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta waxa uu amar ku bixiyey in bulshada caasimadda ay xirtaan Af-xirka (Face mask) si looga hortago cudurka COVID-19.

Kaddib kulan ay isugu yimaadeen maamulka Gobolka Banaadir uuna shir guddoominayay duqa caasimadda ayna ka qeyb galeen Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud, Guddoomiyasha Degmooyinka, Saraakiisha Aminga iyo Agaasimayaal ka tirsan Waaxyaha Dowladda Hoose ee Xamar ayaa looga hadlay soo labo kacleynta cudurka safmarka ah ee COVID-19, kaasi oo dhibaato ba’an ku haya bulshadeena, waxaana uu maamulka soo saaray go’aamo lagu badbaadinayo bulshada ku nool caasimadda.

Go’aanada waxaa ka mid ah in meelkasta oo ganacsi ah oo lagu iibiyo waxyaabaha kala duwan ama ha noqoto goobaha lacagaha la isugu xawilo in qof aan wadan Afxirasho (Face mask) aan loo oggolaan inay gudaha u galaan oo ay ka ganacsadaan.

Milkiilayaasha goobaha ganacsiga ayaa la faray inay dhaqan geliyaan awaamiirta ka soo baxday Maamulka Gobolka ee ah in la qaato afxirashada (Face mask), si looga hortago cudurka COVID-19.

Ugu dambeyn, waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir lagu wargeliyay inay la socdaan dhaqan gelinta amarada ka soo baxay Maamulka Gobolka ee la xiriirta ka hortagidda faafidda cudurka COVID-19, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Cabdullaahi Wiish. Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...