Gaalkacyo (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya, in caawa waqooyiga magaaladaasi lagu dilay Weriye Jamaal Faarax Aadan.
Allaha u naxariisto marxuumka ayaa lagu soo warramayaa inuu ku sugnaa goob ganacsi uu ku lahaa halkaasi, waxaana dilay rag bistoolado ku hubeysnaa.
Wararka ayaa sheegaya, in dilkan uu ka dhacay agagaarka Xero Siinaay.
Weriye Jamaal ayaa ka mid ahaa wariyeyaasha ka howlgali jiray deegaanada Puntland, waxaana uu horay uga soo shaqeeyay idaacado dhowr ah.
Ciidanka Ammaanka ee Puntland ayaa gaaray goobta uu ka dhacay dilka, iyagoona goobta ka billaabay howlgal baaritaan ah oo ku aadaan dilka marxuumka.
Waa weriyihii ugu horreeyay sanadkan 2021-da lagu dilo gudaha dalka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





