Thursday, May 14, 2026
31.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Wasiirka Amniga ”Marnaba DF Somaliya ma oggolaan doonto dibadbax ka dhaca Muqdisho”

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Amniga XF Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale ayaa Talaadadii maanta sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa uu dalka ku soo kordhayo cudurka safmareenka ah ee Coronavirus (Covid-19), kaas oo kiisas badan laga helay dalka.

Shir jaraa’id uu ku qabtay Wasiirka Amniga magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in shirar dhowr ah oo dhacay iyo qiimeyn la sameeyay lagu joojiyay isku soo baxyada dadweynaha, si looga feejignaado faafitaanka cudurka Covid-19.

Wasiir Xundubey ayaa sheegay in marnaba dowladda Soomaaliya aysan oggolaan doonin dibadbax ka dhici kara magaalada Muqdisho, ha ahaado mid ay dhigayaan Mucaaradka iyo mid ay soo qaban qaabisay dowladda Soomaaliya.

“Bannaanbaxa guud ahaan waa la joojiyay, ha noqdo mid dowladda lagu taageersan yahay ama ha noqdo mid looga soo horjeedo, bannaanbax oo dhan waa sharci darro” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Sidoo kale, wuxuu intaasi raaciyay Wasiirku, in Muqdisho ay tahay Caasimadda Soomaaliya, islamarkaana uu yaal hub farabadan, sidaasi daraadeedna aan la ogoleyn banaanbax.

Wasiirka Amniga Xasan Xundubey, xilligii uu shirka jaraa’id jeedinayay uu dhinac taagnaa wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in ay jiraan wadahadalo socda oo ra’iisul wasaaruhu horkacayo, balse ma sheegin in wadahadaladu ay yihiin kuwo ay dowladu la yeelanayso Midowga Musharraxiinta.

Ugu dambeyn, warkan kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ku soo beegmaya, xilli Midowga Musharraxiinta ay ku dhawaaqeen dibadbax ka dhacaya Taalada Daljirka Daahson ee Maalinta Jimcaha oo ku beegan 26-ka Febraayo 2021-ka.

Halka hoose ka dhageyso Codka Wasiirka Amniga:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...