Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

Dowladda oo war ka soo saartay kulankii maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey Kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Qaran ee ku saabsan dhaqan-gelinta talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka Federaalka.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shaqada Guddiga ay aas-aas u tahay xal u helidda caqabadaha soo wajahay fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar iyo talo-soojeedintooda oo soo afjartay kala aragti duwanaanshihii ku aaddanaa dhaqan gelinta heshiiska doorashada, taas oo ka turjumeysa hor u socodka iyo dimuqraadiyadda dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay dadaalladii heer Federaal iyo Dolwad Goboleed ee loo qaaday horumarinta dowladnimada, adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...