Thursday, April 23, 2026
28.3 C
Mogadishu

Madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada oo Shir uga furmay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la leh Ergayga Qaramadda Midoobay, Madaxwayneyaasha Goboleedyadda Galmudug, Koonfur galbeed, Hirshabelle iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka Dalka iyo shaqaaqooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Mqudisho, kaas oo u dhaxeeyay Midowga Musharraxiinta iyo dowladda Soomaaliya.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay cadaadis ku saarayeen saamileyda siyaasadeed ee dalka sidii looga heshiin lahaa doorashoyinka, maadaama uu dhammaaday muddo xileedka Hay’adaha dowladda.

Laakiin Shirkan waxaa hadda ka maqan Madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Halqaran.com

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...