Sunday, June 14, 2026
26.1 C
Mogadishu

Fanaanadii caanka aheyd Faadumo Nakruuma oo Muqdisho ku geeriyootay

Muqdisho (Halqaran.com) – Alle ha u naxaristee waxaa Axadda maanta Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho ku geeriyootay Fannaanadii Caanka aheyd ee Hobollada Waaberi Faadumo Cali Nakruuma.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa waxaa ay xaqiijiyeen in Faadumo Cali Nakruuma ay u geeriyootay Cudurka Coronavirus oo maalmihii la soo dhaafay ay la jiiftay Isbitaalka Martiini.

Fanaanadda Nakruma waxay muddo 20 sano ka badan ku nooleyd qurbaha dhowaan ayay go’aansatay in ay dalkeeda ku soo laabatay.

Cudurka Coronavirus ayaa waxaa magaalada Muqdisho iyo dalka dibadiisa ugu geeriyooday dad isugu jira Fanaaniin, Ciyaartooy iyo Masuuliyiin xilal ka soo qabtay Dalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida fanaanadii Caanka aheyd ee Faadumo Cali Nakruuma oo Maanta ku geeriyootay Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...