Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

Xasan Sheekh iyo Cali Guudlaawe oo Muqdisho ku kulmay

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa Sabtidii maanta hoygiisa Magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Dalka Xassan Sheekh Maxamuud.

Labadan mas’uul ayaa waxa ay kulankooda uga wada hadleen arimaha Doorshooyinka dalka ee uu weli muranka ka taagan yahay iyo iyo Dajinta Xaaladaha Cakiran ee dhashay rabshadii dhacay.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa la sheegay in uu bilaabay doorkiisa ku aadan dhex-dhexaadinta xaalada taagan iyo sidii looga gudbi lahaa, iyada oo ay xusid mudan tahay in Musharraxiinta ay maanta ku dhawaaqeen banaanbaxyo kale.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb-galka shirka wadatashiga doorashyinka ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...