Saturday, May 2, 2026
28.5 C
Mogadishu

Update: Ilhaan Cumar oo loo magacaabay Xil muhiim ah

Minnesota (Halqaran.com) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka guddi hoosaadka awoodda u leh arrimaha Afrika iyo arimaha xuquuqul insaanka caalamka.

War ka soo baxay xafiiska xildhibaan Ilhaan ayaa lagu sheegay in xilkan cusub maalintii Khamiista ahayd looga dhawaaqay Washington.

Magaca guddigan ayaa ah Guddi-hoosaadka Afrika, Caafimaadka Adduunka, Xuquuqda Aadanaha ah iyo Ururrada Caalamiga ah.

Dowrkeeda cusub, Ilhaan Cumar waxay sheegtay inay si gaar ah u danaynayso inay kormeerto arrimaha gargaarka caalamiga ah iyo siyaasadda dibadda ee Afrika.

Waxay horey Ilhaan Cumar uga mid ahayd guddiga arrimaha dibedda ee aqalka Kongareska, inkastoo dadka dhaleeceeya ay horay ugu baaqeen in laga saarayo, kadib hadalo si weyn loo dhaliilayoo ay jeedisay sanadkii 2019-kii oo ku saabsanaa saameynta siyaasadeed ee Isra’iil ku leedahay Maraykanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...