Wednesday, July 15, 2026
25.4 C
Mogadishu

XOG LA OGAADAY: Qaar ka mid ah ergooyinka ka qeybgalaya Shirka Dhuusamareeb oo la kulmay Al-Shabaab + (SABABTA)!

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Odayaal Dhaqameedyo ka soo laabtay Deegaanada Al-Shabaab, ay xilligan ku sugan yihiin magaaladaasi.

Odayaashan oo ka mid ah Ergooyinka lagu wado inay ka qaybgalaan shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Galmudug ayaa waxaa la sheegay inay Dhuusamareeb soo gaareen, xilli ay iska soo diiwaangeliyeen deegaanada uu ka arrimiyo maleeshiyaadka Al Shabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug, Duraan Maxamed Samatar, ayaa shaaca ka qaaday in Odayaal Dhaqameedyo ka mid ah Ergooyinka ka qaybgalaya shirka Dhuusamareeb, ay qaarkood ka soo laabteen dhulka uu ka taliyo Shabaabka.

Duraan Maxamed Samatar, ayaa sheegay in Odayaasha Dhaqanka lagu soo hadalqaaday shir ay xalay Magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen Golaha Wasiirada Galmudug, oo uu shir guddoominayo Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Wasiirka oo shirkaasi ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa ka dhawaajiyay in Galmudug ay ka walaacsan tahay dib u dhac ku yimid amniga Dhuusamareeb iyo Odayaasha ka yimid dhulka Shabaabka, sida uu yiri.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Galmudug ay ka cabsi qabto Odayaasha shirka Dhuusamareeb ka qaybgalaya in ay xubno maleeshiyaadka Al-Shabaab ahi ku soo daraan maamulka cusub, ee dhawaan yeelan doonto Galmudug.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug ayaa wax dhici kara ku sheegay in Odayaasha Dhaqanka ee Shabaabka la kulmay laga dhaadhiciyay fekerka khalafsan ee Shabaabnimada, isla-markaana ay la dhex imaan karaan shirka.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...