Wednesday, April 22, 2026
29.5 C
Mogadishu

RW Rooble ”Qofna lagama aqbalayo in uu isku dayo qalqal galinta amniga”

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo khudbad u jeediyay Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka, Amniga iyo waxqabadka xukuumadiisa ee 100-ka Maalin ee la soo dhaafay.

Mr. Rooble oo ka hadlayay Arrimaha doorashooyinka ayaa sheegay in xukuumadiisa ay dadaal dheeraad ah u gashay sidii dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo la isku raacsan yahay.

Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya ayaa ka sheekeeyay shirarkii looga hadlayay arrimaha doorashooyinka ee ka dhacay meelo kamid ah dalka, waxaana uu cadeeyay in uu rajeynayo in la fuliyo heshiisyadii doorashooyinka la xiriiray ee la gaaray.

RW Rooble oo ka warbixinaya waxqabadka Xukuumaddiisa ee Boqolka Maalmood.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlayay Amniga ayaa waxaa uu sheegay in Xukuumadda ay dejisay qorsha amniga ee doorashooyinka lana diyaariyay Ciidamadii sugi lahaa, waxaana uu ka digay in dalka la geliyo qalqal dhanka amniga ah.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay Shacbaka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan sidii loola dagaalami lahaa cadowga Gudaha iyo kan dibadda, waxana uu soo qaatay maah maah ah, Qof aan kuu furi doonin yuusan kuu xirin.!

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...