Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo maanta dib ugu soo noqday Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmihii la soo dhaafay ku sugna Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Magaalada Dhuusamareeb uga qeyb-galay shirka Madaxda dowladda, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo an wax natiijo ah kasoo bixin oo fashil ku soo dhammaaday.

Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha hortago kulan uu isugu yeeraya labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya si uu ugu jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaalada dalka.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa isha lagu wada hayaa maadaama uu ku soo aaday xilli mudad xil heynta Madaxweyne Farmaajo ay ka harsan tahay hal Maalin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...