Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Shirkii Magaalada Dhuusamareeb uga socday Madaxda DF Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa la sheegay in uu natiijo la’aan ku soo dhammaaday.
Shirka oo socday muddo Saddex Cisho ayaa waxaa aad looga dooday qodobo ay kamid yihiin arrinta Gobolka Gedo iyo doorashada Xildhibaannada Somaliland oo qaabka loo wajahayo uu ka soo horjeedo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.
Maalmihii uu socday shirka ayaa waxaa jirtay in mararka qaar doodaha ay aad u adkaanayeen, taas oo keentay in dhowr jeer ay shirka isaga baxaan Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland, hayeeshee ugu dambeyn xalay uu natiij la’aan ku soo dhamaaday.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in shirka iyo in hehsiis la gaaro uu ka socon waayay dhanka Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.
Mr. Dubbe ayaa sheegay in arrinta Gobolka Gedo markii hore la soo jeediyay in Degmada Garbahaareey la geeyo Ciidamo Boolis AMISOM ah , sidoo kale Guddi loo diray, islamarkaana dib u heshiisiin la sameeyo, balse uu sheegay in qodobadaas oo dhan ay kasoo horjeesteen dhinaca Maamulka Jubaland.
Ugu dambeyn, wararkii ugu dambeeyay ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu soo jeediyay in shir kale la isugu yimaado, in kastoo aan la shaacin halka la isugu tegayo iyo waqtiga uu shirkaasi furmayo, waxaana Madaweynaha JFS Maanta uu hortagayaa Baarlamaanka Soomaaliya oo u balansan kulan uu Madaxweynaha codsaday.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





