Sunday, May 31, 2026
28.1 C
Mogadishu

WHO oo shaacisay xilliga ay Somaliya heli doonto tallaalka COVID-19

Muqdisho (Halqaran.com) – Soomaaliya ayaa heli doonta tallaalka cudurka COVID-19 bishan aynu ku jirno ee Febraayo, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ee Soomaaliya Dr. Mamunur Rahman Malik ayaa VOA u sheegay in Soomaaliya ay heli doonto 1.2 milyan goojo oo ah tallaalka Oxford AstraZeneca.

Tallaalkaas ayaa iskugu jira gacanta hore iyo gacanta labaad, waxaana lagu tallaali doonaa 600,000 oo Soomaali ah.

Dr. Mamunur Rahman Malik waxa kale oo uu sheegay in bilaha Maarso iyo Abriil ay heli doonto tallaal kale oo lagu tallaalo 20% dadweynaha Soomaalida.

Daawooyinka lagu tallaali doono 20% dadka Soomaalida ah ayaa ah lacag la’aan, waxaana bixinaya xarunta Covax oo ay wada dhiseen Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO iyo Isbshaysiga Caalamiga ah ee GAVI. Xaruntaas waxa maalgeliyey Midowga Yurub.

Hase yeeshee dawladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay hesho kharashkii ay kusoo iibsan lahayd tallaalka lagu tallaali lahaa 80% ka kale ee dadweynaha Soomaaliya. Hay’adda WHO, UNICEF iyo Bankiga Adduunka ayaa la sheegay inay dawladda ka caawinayaan sidii kharashkaas lagu heli lahaa.

Tallaalka 1.2 milyan ayaa lagu tallaali doonaa shaqaalaha Caafimaadka, kuwa dawladaha hoose iyo kuwa safka hore, waxayna ku filan tahay 3% dadweynaha waddanka.

Xigasho – VOA

@Halqaran News

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...