Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

Wasiirka Amniga oo sheegay in la soo qabtay saraakiil iyo ciidamo ku lug lahaa dilkii Guddoomiyaha D/Hodan +(VIDEO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu hayo saraakiishii iyo ciidankii ku lugta lahaa dilka Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiim Dhegajuun.

Wasiiru Dowlaha Aminga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Farxaan Cali Axmed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed u caddeeyey in gacanta lagu dhigay saraakishii iyo ciidamadii ku lugta lahaa dilkii Allaha u naxariiste Guddoomiyii Degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhegajuun), kuwaasi oo ku jira gacanta ciidamada dambi baarista ee CID.

Farxaan Cali Axmed ayaa bulshada uga tacsiyadeeyay falka dilka ah ee loo geystay guddoomiyihii degmada Hodan.

“Saraakiishii iyo ciidamadii ku lugta lahaa dilka Allaha u naxariiste Guddoomiyihii Degmada Hodan gacanta ayaa lagu dhigay, baaris ayaana ku socoto, waxaa kaloo lagu raad joogaa dad kale oo falkaasi ku lugta lahaa” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Amniga gudaha XFS Farxaan Cali Axmed.

Ugu dambeyn, wasiiru dowlaha Amniga mudane Farxaan Cali Axmed ayaa shacabka ka codsaday inay is dajiyaan oo ay ku kalsoonaadaan dowladooda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...