Saturday, May 2, 2026
29 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland oo beesha caalamka kala hadlay muranka Doorashooyinka dalka

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Khamiistii maanta hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya oo uu hoggaaminayo ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay Xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan xal u helida tabashooyinka la xiriira Doorashada.

Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa dadaal ku bixinaya sidii xal loogu heli lahaa muranka doorashooyinka.

Sidoo kale, xubnaha Beesha Caalamka ayaa waxa ay la kulmeen Midowga Musharixiinta iyo qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...