Thursday, April 30, 2026
28.3 C
Mogadishu

Dib-u-dhac ku yimid Saxiixa xirmooyinka Ceelasha Shidaalka ee Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa maanta baaqatay munaasabad lagu waday in lagu shaaciyo heshiis ay gaareen dowladda Soomaaliya iyo Shirkado si gaar ah loo leeyahay oo qaabilsan shidaal baarista, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay walaac ka muujiyeen mucaaradka.

Heshiiska maanta baaqaday ayaa la saxiixi lahaa xirmooyinka ceelasha shidaal ee laga qodayo Xeebaha Baraawe iyo Hobyo.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo munaasabada, waxaana sidoo kale horay ugu sugnaa Muqdisho Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Shirkadda Heshiiska lagu waday in maanta lala galo waxaa ka mid ahaa Liberty Petroleum iyo Coastline Exploration oo horay loo oran jiray SOMA OIl & GAS.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xaflada saxiix ay u dhacday maalinta berri, hase ahaatee waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu soo kordhay culeys dhanka habraacyada loo marayo saxiixa heshiiskaas iyo qaabka loo waafajanayo arrimaha deyn cafinta ee shuruuda Hey’adda IMF, waxaana arrintaas loo saaray Guddi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...