Saturday, May 2, 2026
28.1 C
Mogadishu

RW Rooble oo Wariye Macalimuu u magacaabay Afhayeenka Xukuumadda

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalk ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Weriye Maxamed Ibraahim Macalimuu u magacaabay Afhayeenka Xukuumadda.

War qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu shaaciyay magacaabidda Afhayeenka cusub ee Xukuumadda.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda JF Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maxamed Ibraahim Macalimuu u magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Weriye Macalimuu ayaa hadda ahaa Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ.

Sidoo kale, Macalimuu ayaa muddo dheer ku soo jiray Saxaafadda, isagoona ka mid yahay Wariye-yaasha kuwooda sida weyn looga garanayo dalka, waxaana uu la soo shaqeeyay Idaacadda BBC-da iyo kuwo kale.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...