Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

Maxay ahaayeen 30-ka ruux ee maanta lagu xiray Beledweyne?

Muqdsiho (Halqaran.com) – Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dowladda ku eedeeyay in ay ku xirtay magaalada Beledweyne ku dhawaad 30 ruux, kuwaasoo kasoo horjeeday maamulka Hirshabeelle.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in dadkaasi shacabka ah loo adeegsaday in ay gacanta ku soo dhigaan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle in ay xorriyadooda u soo celiyeen dadkaasi shacabka ah.

“Waxaan xog ku haynaa in magaalada Beledweyne lagu xiray 30 ruux oo dhaqdhaqaaqayaal bulsho ah. Waxaan ugu baaqayaa madaxda dawlada Federaalka in ay dadkaas dib loogu soo celiyaan xorriyadooda.”

“Waa xaq dastuuri ah in cabashada lagu muujiyo dibadbax nabad ah, waxaa danbi ah in awooda dawlada iyo tan iyo ciidanka AMISOM loo adeegsado caburrinta, cagajuglaynta iyo cadaadiska shacabka” ayuu yiri hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...