Tuesday, April 21, 2026
29.9 C
Mogadishu

DEG DEG: Faah-faahin cusub– Khasaaraha ka dhashay dagaalkii Ciidamada Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray Hadaaftimo + (SAWIRO)

Hadaaftimo (Halqaran.com) – Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan dhinacyadii dagaallamay ayaa ku dhintay saddex kalena waa ku dhaawacmeen dagaal culus oo maanta ciidamada Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray degmada Hadaaftimo oo ku taalla galbeedka magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa billowday kadib markii ciidamo ka tirsan Puntland ay weerar ku qaadeen wafdi ka socday Somaliland ku soo jeeday magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, kuwaasi oo marayey nawaaxiga degmada Hadaaftimo sida ay sheegeen dadka degaanka.

Sidoo kale, ciidamada Puntland ayaa qabsaday gaari Land Cruiser ah oo uu leeyahay guddoomiyaha Somaliland ugu magacaaban gobol ay u bixisay Badhan oo loola jeedo degmada Badhan iyo degaannada hoos yimaada sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wafdiga Somaliland oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha u qaabilsan gobolka Badhan oo lagu magacaabo Maxamuud Xaamud ayaa dib uga laabtay degmada Hadaaftimo, kadib dagaal saacado halkaasi ka socday.

Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...