Monday, April 20, 2026
30 C
Mogadishu

Dhageysiga Kiiska Xildhibaanadii Xasaanadda laga qaaday ee Puntland oo dib loo dhigay

Garoowe (Halqaran.com) – Maxkamadda sare ee maamulka Puntland ayaa Khamiistii maanta la horgeeyay kiiska 8 Xubnood oo ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland, kuwaas oo dhawaan xubnaha Golaha Wakiilada Puntland ay xasaanadii ka qaadeen.

Maxkamadda ayaa waxaa hortegay qareenada u doodayay xildhibaannada, waxaana dood dheer kadib ay Maxkamadda sare ee Puntland mudeysay in maalinta Sabtida ah ee soo socota taariikhduna ku beegan tahay 12-ka bisha December la dhegaysto kiiska xildhibaanada xasaanadda laga qaaday.

Maxkamadda Sare ayaa oggolaatay codsi ay soo jeediyeen Qareenada oo ahaa in la siiyo fursad ay dacwadooda ku aadan eedaymaha loo soo jeediyey xubnahaasi ayna u diyaar garoobayaan sidii ay maalinimada Sabtida ah maxkamadda horteeda uga difaaci lahaayeen.

Ku-simaha guddoomiyaha maxkamadda sare ee Puntland Nuur Ciise  oo goobjoog ka ahaa Xarunta Maxkamadda ayaa faray garyaqaanka guud ee Puntland iyo qareenada u doodaya xildhibaanada inay ilaaliyaan waqtiga loo qabtay dhegaysiga kiiska oo ah Maalinta Sabtida ah ee soo socota.

Si kastaba  ha’ahaatee, 3-dii bishaan December ayay aheyd markii Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland ay xasaanadii ka qaadeen Sideeda mudane oo kala ahaa, Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato), Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud ( Dhoore), Muuse Siciid Xassan, Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud iyo Maxamuud Axmed Caalin wallow xasaanad ka qaadistaas ay ku tilmaameen mid sharci darro ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...