Wednesday, April 29, 2026
29.7 C
Mogadishu

UK oo noqotay dalkii ugu horreeyay oo meel-mariya Talaalka Cudurka Covid-19

London (Halqaran.com) – Dalka UK ayaa noqotay waddankii ugu horreeyay ee meel mariya talaalka cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Xoghayaha caafimaadka Britain Matt Hancock ayaa sheegay in talaalka la bilaabayo isbuuca soo socda.

Matt Hancock ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah la siin doono dadka waayeelka ah iyo shaqaalaha caafimaadka oo talaalka ugu horreeya helaya.

Waaxda caafimaadka ee NHS loo yaqaan ayuu sheegay in ay dadka la xiriiri doonto. UK waxay dalbatay ilaa 40 malyuun oo dose oo talaalka ah.

Cudurkaan safmareenka ah ayaa wuxuu saameyay dunida oo dhan iyadoo dalka Ingiriiska ay ka mid yahay wadamada uu aadka u saameyay Cudurkan.

Dalka UK ayaa ah dalka ugu dhimashada badan ee cudurka karoonaha, gudaha qaarada Yurub, waana dalka shanaad ee adduunka ugu dhimashada badan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...