Bacaadweyne (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya, in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku billowday qaraxyo ku qaadeen saldhigyo ciidamo ka tirsan kuwa DF Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Bacaadweyne ee koonfurta gobolkaasi.
Al-Shabaab ayaa iska caabin xoogan kala kulmaya Ciidamada Militariga oo gacan ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah, iyadoo deegaannada ka baxsan laga maqlayo daryanka sawaxanka ee hubka la’isku adeegsanayo dagaalkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo dagaalka ka soo gaaray labada dhinac iyo dadka rayidka ah, walow dagaalka uu weli socdo.
Wararka ayaa sheegaya, in isgaasriinta deegaanka Bacaadweyne ay hawada ka saareen Al-Shabaab oo gudaha u galay deegaanka, welina la maqlayo Gudaha deegaanka rasaas xoogan.
Ururka Al-Shabaab ayaa baraha Internet-ka ku baahiyay inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug, sidoo kale ay dagaalka ku qabsadeen illaa 5 gaari oo nooca dagaalka ah.
Weli kama aysan hadlin saraakiisha ciidamada qeybta 21aad iyo Madaxda Maamulka Galmudug dagaalka ka dhacay deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug oo horay dagaaloo uga dhaceen.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





