Sunday, December 7, 2025
26 C
Mogadishu

Ayax tira badan oo ku habsaday deegaano ka tirsan Sh/Dhexe

Sh/Dhexe (Halqaran.com) – Iyadoo maalmihii la soo dhaafay lagu arkay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe Ayax farabadan ayaa baabi’iyay dalagyo farabadan oo tacbanaa.

Meelaha ugu daran ee Ayaxa lagu arkay ayaa waxaa kamid ah Degmooyinka Ceelbaraf, Aadan-Yabaal iyo Mahadaay iyo deegaano hoostaga.

Ayaxan ayaa waxaa ka cawday beeralayda iyo xoolo dhaqatada ku nool gobolka Shabeellaha dhexe.

Muqtaar oo kamid ah Beeraleyda ku nool tuulooyin u dhow degmada Ceelbaraf ayaa sheegay in dalagyada Beero dhowr ah oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Dhexe uu baabi’iyay Ayaxa, islamarkaana tuulooyin kale uu ku sii fiday.

Beeraleygan ayaa xusay, in Ayaxa uu Shabeellaha Dhexe uga yimid deegaano kale, waxaana uu ugu baaqay Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle inay wax ka qabtaan.

Si kastaba, Ayaxa ayaa horey waxaa uu ku habsaday Beero ku yaalla deegaano ka tirsan Maamullada, Puntland, Galmudug iyo deegaano kale, waxaana halkaasi buufinta Ayaxa ka billaabay diyaarado ay keeneen Hay’adaha FAO iyo USAID.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...