Hargeysa (Halqaran.com) – Xukuumadda Somaliland ayaa mamnuucday in Dad Soomaaliya ka socda Somaliland u tagaan ka qayb galka Siminaarada, kulamada iyo shirarka.
Somaliland ayaa sidoo kale Ururrada Bulshada Rayidka ah ee laga leeyahay deegaannada Somaliland ka mamnuucday inay ka qayb galaan Siminaarada, shirarka iyo kulamada lagu qabto Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa la mamnuucay in Somaliland la keeno dad ka socda Soomaaliya, si ay dalka uga qayb galaan Siminaarro ama kulamada.
Sidaana waxa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland muddo laga joogo laba bilood, waxaana loona qaybiyey Hay’adaha kala duwan ee Somaliland ku sugan.
Si kastaba, qoraal ka soo baxay Somaliland ee loo qaybiyey Hay’adaha kala duwan ee Somaliland ku sugan, ayaa waxaa lagu sheegay ciddii fulin weysa in laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





