Saturday, May 16, 2026
27.3 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Guddiga Iskaashatada Gaadiidleyda gobolka Banaadir oo la kala diray (Ogow Sababta)

Muqdisho (Halqaran.com) –  Maamulka gobolka Banaadir ayaa wareegto uu Isniinti maanta ah soo saaray waxa uu ku kala diray guddiga iskaashatooyinka gaadiidlayda gobolka Banaadir, kuwaasi oo lagu eedeeyey inay ku milmeen waxa loogu yeero argagixisada.

Wareegtan oo kasoo baxday xafiiska duqa magaalada Muqdisho oo la ogeysiiyay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Wasaaradda Gaadiidka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Taliska Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaraha ayaa lagu kala diray Guddiga iskaashatada Gaadiidleyda gobolka Banaadir.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo Warbaahinta u akhriyay Wareegtada Duqa Muqdisho ayaa sheegay in sababaha loo kala diray xubnaha gudiga ay tahay inay ku milmeen Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Wuxuu kaloo sheegay, afhayeenku in Maamulka Gobolka Banaadir ay soo Magacaabi doonaan Guddi kale oo ah Iskaashatada Gaadiidleyda gobolka Banaadir, kuwaas oo baaritaan ay ku sameyn doonaan Hay’adaha Amniga Soomaaliya.

Ugu dambeyn, xubnaha guddiga Iskaashada Gaadiidleyda gobolka Banaadir weli wax jawaab ah kama bixin go’aanka Maamulka gobolka Banaadir uu ku kala diray iyo eedeynta loo jeediyay oo ah inay ku dhex milmeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...