Wednesday, July 15, 2026
25.4 C
Mogadishu

Update: Xiisad dagaal oo ka jirta deegaanno ka tirsan G/Sool iyo Wararkii ugu dambeeyay

Boocame (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boocame ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in ay ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa Ciidamada Puntland iyo maleeshiyaad hubeysan oo taageersan Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya, in xiisadaan ay timid, kaddib markii duleedka magaalada Boocame ee Gobolka Sool, ay isku aruursadeen maleyshiyaad hubaysan, kuwaas oo doonaya inay magaalada Boocama kala wareegaan Ciidamada Puntland.

Dadka Magaalada Boocame ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay si weyn maanta u dareemeen xiisadda dagaal ee u dhaxeysa Ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka hubeysan ee taageersan Somaliland.

Weli kama aysan hadlin saraakiisha Ciidamada Puntland ee Gobolka sool xiisada dagaal ee u dhaxeeysa Ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka hubeysan.

Si kastaba, waxaa xusid mudan deegaanno ka tirsan gobolka Sool ay horay ugu dagaallameen Ciidamada Somaliland iyo Puntland, iyaga oo weli isku hor-fadhiya deegaanka Tukaraq ee Gobolkaasi Sool.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...