Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhagax-dhigay xarunta gurmadka qaranka oo loogu talagalay in ay daboosho Xaaladaha deg-degA ah ee ay keenaan noocyada kala duwan ee masiibooyinka.
Xarunta gurmadka Degdegga ah ayaa noqon doonta mid isku xirta dhammaan hay’adaha gurmadka dalka oo dhan, waxayna aruurin doontaa macluumaaadka halista soo socota, lana wadaagi doontaa dhinacyada ay khuseyso.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tilmaamay in markii uu booqday qaar ka mid ah isbitaalada Muqdisho, arkayna casharradii laga bartay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe iyo dhacdooyin kale oo dalka soo maray ay lagama maarmaan noqotay dardargelinta dhismaha xarunta, oo laamo ku yeelanaysa caasimadaha dowlad gobolleedyada.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u mahadceliyay dowladda Sweden iyo Bangiga Adduunka oo maalingalinaya dhismaha Xarunta, oo lagu soo gabagabeyn doono muddo gaaban.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com










