Thursday, June 4, 2026
28.1 C
Mogadishu

RW Rooble oo kormeeray qaar ka mid ah isbitaallada Muqdisho, una kuurgalay adeegyada caafimaadka (SAWIRRO +VIDEO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday qaar kamid ah Isbitaallada Dowladda, si uu ugu kuurgalo adeegyada caafimaad ee ay u fidiyaan bulshada Soomaaliyeed, maadaama Xukuumaddiisa ay ahmiyad gaar ah u leedahay soo celinta adeegyadii caafimaadka dadweynaha.

Maamulka Isbitaallada Martiini, Banaadir iyo Yardimeeli ayaa warbixin faah-faahsan ka siiyey Ra’iisul Wasaaraha adeegyada caafimaad ee ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed iyo caqabadaha jira ee ay u baahan yihiin in dowladdu ay gacan ka siiso.

Isbitaallada Dowladda ee Martiini iyo Banaadir ayay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho iyo gobollada dalka waxa ay ka helaan adeegyo bilaash ah, wuxuna xusay Ra’iisul Wasaare Rooble in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siinayso tayaynta adeegga caafimaad ee laga helo xarumahan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey maamulka iyo dhakhaatiirta shaqada wanaagsan ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed, kuna dhiirigeliyey in dadaalkooda ay sii xoojiyaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...