Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Xubnaha Golaha Wasiiradda ee Xil-gaarsiinta in Ra’iisul Wasaaraha lagala tashado go’aan kasta oo ay gaarayaan ama qoraal kasta oo ay soo saarayaan.
War qoraal ah uu diray Golaha Wasiirada xilalka sii-haya ayaa waxaa uu ku amray in la tashi kaddib nuqul ka mid ah qoraaladooda ay soo ogeysiiyaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Sii hayaha Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka.
Sidoo kale, qoraalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu xusay in aan la aqbali doonin tallaabo kasta oo ka horimaaneysa tilmaamaha kor ku xusan ee ah amarka la faray Golaha Wasiirada Xil-gaarsiinta.
Haddaba halka hoose ka akhriso War qoraalka RW Rooble:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






