Sunday, May 10, 2026
27.6 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare ‘Rooble’ oo maanta si rasmi ah ula wareegay xilka +(SAWIRRO +VIDEO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Munaasabad uu xilka kula wareegay Ra’isul wasaaraha cusub ee XF Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka dhacday Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa si rasmi ah xilka kala wareegay sii-hayihii xilka ra’isul wasaaraha dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar).

Waxaa goobjoog ka ahaa munaasabada, guddoomiye ku Xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdiwali Ibaraahim Sheekh Muudey iyo xubno ka tirsan guddiga qaban qaabada diyaarinta xaflada xil wareejinta.

Xil wareejintaan ayaa waxa ay meesha ka saartay codsigii ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo ahaa in uu isaga xilka ku wareejiyo ra’iisul wasaaraha cusub Rooble, balse lama aqbalin codsigiisa.

Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 17 bishaan u magacaabay xilka ra’isul wasaaraha dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble, kaddib markii 25 bishii Agoosto ay Golaha Shacab ay kalsoonida kala laabteen xukumadda hore ee uu hogaaminayay R/wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre.

Si kastaba ha’ahaatee, garyaqaanada ayaa sheegay, in xil wareejinta maanta ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya ay tahay mid sharci darro ah oo aan dastuuri aheyn, maadaama ay aheyd in R/wasaarihii hore Kheyre in uu xilkaasi ku wareejiyo R/wasaaraha cusub Rooble, balse aysan dhicin taasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...