Sunday, July 5, 2026
25.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay Shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobay

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Meertada 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka warbixiyey horumarrada dowladdu ay ka xaqiijisay amniga iyo siyaasadda, saameynta cudurka safmarka ah ee Karoona iyo caqabadaha dhaqaale ee uu sababay.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay qorshaha Dowladda ee hirgelinta doorasho hufan  oo sii xoojinaysa dimuqraadiyadda iyo daahfurnaanta siyaasadeed ee dalka, waxa uuna tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ku tilmaaman yihiin isu tanaasul iyo is-qancin oo fure u ah xasilloonida siyaasadeed, midnimada iyo wadajirka.

“Inkastoo cudurka safmarka ee Karoonaha uu caqabad ahaa, haddana waxaan ku howlannahay ka shaqaynta hannaan doorasho loo dhanyahay, taas oo dadka Soomaaliyeed ay kaga go’aan gaari karaan mustaqbalkooda. Waxaa naga go’an in aan meelmarinno oo aan xoojino dhaqanka dimuqraadiga ah.”

Madaxweynaha ayaa la wadaagay hoggaamiyeyaasha Caalamka in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay xoogga saareen xakameynta Cudurka safmarka ah ee COVID-19 iyo saameynta dhaqaale ee uu reebay, isaga oo bogaadiyey dadaalkii naf hurnimada lahaa ee Shaqaalaha Caafimaadku ay ku badbaadiyeen shacabkeenna.

“Waxaan bogaadinayaa dhammaan shaqaalaheenna caafimaadka ee geesiyaasha ah kuwaas oo naftooda halis u galiyay si ay shacabkeenna u badbaadiyaan. Waxaan aqoonsannahay samirka iyo garab istaagga ganacsata Soomaaliyeed oo si dhow ula shaqeeyay dowladda.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guulo la taaban karo laga gaaray la dagaallanka argagixisada Alshabaab, iyada oo ay iskaashanayaan ciidamadeenna geesiyaasha ah iyo saaxiibbada caalamiga ah, si loo ciribtiro arxan laaweyaashan, loogana hortago in Soomaaliya ay gabbaad ka dhigtaan.

Ugu danbeyntii, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka kula dardaarmay in mudnaanta la siiyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee ku aaddan caqabadaha iyo dhibaato wadareedka ka taagan dunida, si looga faa’iideysto fursad kasta oo lagu gaari karo duni nabdoon, horumarsan oo barwaaqana ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...