Tuesday, April 28, 2026
29.7 C
Mogadishu

AKHRISO: Somaliland ashtako ka dhan ah DF Somaliya u gudbisay Beesha Caalamka +(War-saxaafadeed)

Hargeysa (Halqaran.com) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aan wax shaqo ah ku laheyn nidaamka doorashooyinka Soomaaliya, iyagoo ashtako ka dhan ah Dowladda Federaalka u gudbiyay Beesha Caalamka.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaah dibadda ee Somaliland oo la ogeysiiyay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo guud ahaan Beesha Caalamka ayaa lagu xusay in Somaliland aysan wax shaqo ah ku laheyn nidaamka doorashooyinka Soomaaliya.

Somaliland oo aamisan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa War qoraalkan ka soo baxay lagu sheegay in 30 sano kaddib ay Somaliland tahay ‘dal xor ah‘ oo leh nidaam doorasho oo dimuqraadi ah, sida lagu xusay war-saxaafadeedka wasaaradda.

Waxayna Shacabkeeda ku nool deegaannada Somaliland ugu baaqday, inay ka feejignaadaan cid kasta oo cadow ku ah, islamarkaana hal meel uga soo wada jeestaan.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Somaliland ayaa ku soo beegmaya, waqti Soomaaliya ay galeyso doorasho, islamarkaana xubnaha Baarlamaanka labada Aqal kuk mataleya Somaliland lagu dooranayo Caasimadda Muqdisho.

Haddaba halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka Somaliland:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...