Thursday, June 4, 2026
26.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Galmudug ‘Qoorqoor’ oo dib ugu soo noqday Dhuusamareeb +(SAWIRRO)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayay oo maalmahaan booqashada ku joogay dalka Jabuuti ayaa Isniinta galabta ah dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb.

Qoorqoor iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, Wasiirro, Xildhibaanno, Hawlwadeenada Madaxtooyada iyo qaybaha bulshada.

War qoraal oo ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay inuu guuleystay ujeedadii uu wafdiga Madaxweynuhu u tagay Xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti.

“Socdaalka Madaxweynuhu ku tagay dalka Jabuuti oo la xiriiray xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dhanka dekedaha ayaa ku soo idlaaday guul iyo is-afgarad.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyn, wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Galmudug ayaa qayb ka ahaa wafdigii Madaxweyne Qoorqoor ku wehlinayay safarkiisii ugu horeeyay, ee uu ku taggo dalkaasi Jabuuti.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...