Muqdisho (Halqaran.com) – Dallaadda Waxbarashada Ahliga ah ee SAFE ayaa si kulul uga hadashay natiijadii imtixaankii ay qaaday Dowladda ee kasoo baxday Wasaaradda Waxbarashada oo ay ku dhaceen ku dhowaad 8 kun oo Arday oo imtixaanka ku gashay Gobolka Banaadir
War qoraal ah oo ka soo baxay Dallada ayaa waxaa lagu sheegay in mas’uuliyad darro weyn ay ku dhaqaaqeen sii-hayaha Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre howl wadeenadiisa, Agaasinka Wasaaradda iyo Xafiiska imtixaanaadka.
Dalladda ayaa Wasaaradda Waxbarashada ku eedeysay in wax wal ah ka qabin Aayaha Ardayda Gobolka Banaadir.
Waxayna ugu baaqeen Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo sii-hayaha Wasiirka Waxbarashada inay Arrinta dhacday kula xisaabtamaan howlwadeenada Wasaaradda.
Haddaba halka hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka Dalladda Safe:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






