Tuesday, May 26, 2026
27.8 C
Mogadishu

Cabsi xooggan oo ka taagan inuu Wabiga ku fataho Beledweyne

Beledweyne (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya, in saacadihii la soo dhaafay ay ka jirto magaaladaasi cabsi la xiriirta fatahaad inuu sameeyo Wabiga Shabeelle.

Warar ay helayso warbaahinta Halqaran.com, ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadka deegaanka Qooqane ay ka qaateen jawaabo carro ah oo loo dhigay Wabiga si uusan u soo fatahin, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Guddoomiyaha Guddiga gurmadka fatahaaddaha Beledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxoow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney maalmahan dambe ay soo kordhayeen dad doonaya inay fashiliyaan deddaalada lagula tacaalayay ka hortagista in laga barakaco fatahaad uu sameeyo wabiga shabeelle.

Wuxuu intaasi raaciyay guddoomiyaha, in dadkaasi ay faruurayaan goobaha carro tuurka laga sameyay si ay biyaha ugu soo yaacaan gudaha magaalada Beledweyne.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa xusay, inay jiraan dad badan oo cadow ku ah xirista biyaha, kuwaasi oo uu sheegay, inay dhowr jeer soo weerareen goobaha biyaha laga celinayo.

Dhanka kale, Xubno ka mid ah Guddiga Gurmadka ganacsatada magaalada Beledweyne uu Horkacayo Xaaji Sabriye ayaa kormeeray deegaanada, Qooqane, Leebow, Garaash, Bacaad iyo deegaano kale oo dhammaantood ka wada tirsan Deegaannada Waqooyi ee Beledweyne.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...