Guriceel (Halqaran.com) – Ciidamada Ammaanka ee degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo warramayaa inay Jimcihii maanta ay xir-xireen qaar ka mid ah ganacsatada degmadaasi oo banaanbax dhigayay.
Wararka ayaa sheegaya, in ganacsatadaan ay kasoo horjeesteen inay u guuraan Suusq Cusub oo lagu iibiyo xoolaha uu maamulka Galmudug ka furay magaalada Guriceel, iyaga oo sheegay in arrintaasi ay sababo amni uga baqayaan.
Ciidamada Ammaanka degmada Guriceel ayaa kala eryay dadka banaanbaxa dhigayay.
Qaar kamid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, in Ciidamada ay xireen ku dhawaad 30 kamid ah banaanbaxayaasha, iyaga oo geeyay Saldhiga Booliska degmada Guriceel.
Si kastaba ha’ahaatee, wasaaradda xanaannada xoolaha ee maamulka Galmudug ayaa mar hore amartay in lagu shaqo billaabo sayladda cusub oo ay dhistay Hay’ada NRC oo kaalmo ka heshay UK AID, iyada oo maamulka degmada Guriceel ay dhaqan geliyeen amarkii Wasaaradda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





