Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

Wasiir Fiqi oo la kulmay Ciidamo Macawiisley oo la dagaallamay Al-Shahaab

Bacaadweyn (Halqaran.com) – Wasiirka Amniga Galmudug Md. Axmed M. Fiqi, taliyaha Qeybta 21aad ee ciidamka XDS S/Guuto Khooje, taliyaha ciidamada Booliska Galmudug S/guuto Bishaar, taliyaha ciidamada Danab ee ku sugan Galmudug G/le Mukhtaar iyo saraakiil ka kala tirsan qeybaha ciidamada qalabka sida ayaa maantay booqasho ku tagay jiidda hore gaar ahaan aagga Tara-Guduud, Beer Cabdi Faarax, Galo, Faragoo, Beer Liiban Galle, Hog dugaag iyo Higlaale, waxaana lagu soo afjaray booqashadaas magaalada Gadoon oo bulshada lagula kulmay.

Deegaanadaas waxaa waayadan ka socday abaabul ay wadaan bulshada ku nool halkaas kaasoo looga soo horjeedo kooxaha argagixisada ah oo dhibaatooyin ku haya dadka deegaanadaas deggan.

Wasiirka iyo taliyaasha ayaa jiidda hore kula hadlay dhallinyaro hubaysan oo ka dhiidhiyey dhibaatooyinka kooxda argagixisada ay ku hayaan deeganadooda, diyaarna u ah In ay qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah arxanlaawayaasha Alshabaab.

Ciidanka macawislayda ah ayaa ballanqaaday In ay argagixisada ka nadiifin doonaan deegaanada ay ku sugan yihiin, wasiirka iyo saraakiisha ayaa bogaadiyay dadaalka iyo nafhurnimada dhallinyarada macawislayda ah, waxayna dhankooda ballanqaadeen In ay taageero buuxda siin doonaan naftood hurayaasha geesiyada ah, isla markaana In ciidamada qalabka sida ay sii wadayaan dagaalka ay ku hayaan argagixisada.

Wasaaradda Amniga ayaa dhammaan Shacabka Galmudug ku dhiiragalinaysa In ay ka qeybgalaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ayadoo wasaaraddu ay bogaadisay dadka reer Bacaadweyn oo jab xooggan gaarsiiya argagixisada todobaadkii na gudbay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...