Baydhabo (Halqaran.com) – Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo carruur yaryar oo dhawaan lagu faraxumeeyay (Kufsaday) magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa maanta ka dhacay magaaladaasi.
Dadka banaanbaxa dhigaya oo isugu jira dad da’ah iyo dhallinyaro ayaa kasoo kala baxay Xaafadaha Magaalada Baydhabo iyo iskuullada waxbarashada, iyaga oo sida boorar ay ku qoran yihiin, sida ay uga xun yihiin falkii dhacay.
Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa waxaa ay ku dhawaaqayaan sida ay uga soo horjeedaan falkii faraxumeynta ahaa ee loo geystay labada Carruurta ahaa oo midkood kufsigii u geeriyooday, iyaga oo sidoo kale soo dhaweeyay labadii rag ee shalay loo toogtay falkaas.
Banaanbaxayaasha ayaa socod dheer ku maray waddooyinka waa weyn ee magaalada Baydhabo, waxaana ka qeyb galay banaanbaxa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com








