Saturday, May 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Mareykanka oo ka horyimid muddo kororsi, ‘‘Doorashada Waa in waqtigeeda ku dhacdaa‘‘!

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay, in ay rajo wanaagsan ka qabto natiijada shirka Dhuusamareeb 3, ee lagu waddo in uu maalmaha soo socda uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

War kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu xusay in baahida loo qabo wadatashiyo iyo isu tanaasul dhab ah oo furo u noqda in is afgarad laga gaaro, nooca doorasho ee raali la isaga yahay.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa ugu baaqday dhammaan dowladda dhexe , Maamul Goboleedyada, Baarlamaanka iyo daneeyayaasha siyaasadda in ay taageero u muujiyaan Shirka Magaalada Dhuusamareeb.

“Waa in doorashada waqtigeeda ku dhacdaa, iyadoo aanu jiri doonin wax muddo kororsi” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay dowladda Mareykanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...