Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

Xilliga rasmiga ah ee uu dib u billaabanayo Jaadka Kenya laga keeni jiray oo la Shaaciyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa maalinta berri oo Sabti ah la filayaa in ay dib u bilaawdaan duulmaadyada diyaaradaha jaadka ka keeni jiray Kenya ee imaan jiray Soomaaliya, kuwaas oo horay loo joojiyay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiyaha Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa sheegay in labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis ka gaareen keenista qaadka,i sla markaana ay dowladda Soomaaliya fasaxday, balse shuruud lagu xiray.

Waxaa uu sheegay in shuruudaha ay Dowladda Soomaaliya ku xirtay ay kamid yihiin kordhinta canshuurta laga qaado qaadka Soomaliya ay Kenya kento, lagana dhigo 1-kg ($-3.5) halkii markii hore ay ka aheyd ($-1) iyo in sidoo kale dadka qaadka iibiya ay kala fogaadaan 2 mitir, xirtaana gacmo gashi iyo weji xir si looga hortago xanuunka COVID-19.

War kaan kasoo baxay Ganacsatada Jaadka Kenya ayaa weli Dowladda Soomaaliya weli aysan ka hadlin, hayeeshee Warar la helay ay sheegayaan in Golaha Wasiirrada Soomaaliya ee xilka siihaya ay shalay ogolaadeen.

Ugu dambeyn, Qaadka ay Kenya keento dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka Ganacsada Soomaali farabadan, kuwaas oo ku maareeya Nolosha qoyskooda,waxaana duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee la joojiyay uu dadkaasi ku yeeshay saameyn ballaaran.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...