Sunday, April 19, 2026
30.3 C
Mogadishu

Sii-hayaha Wasiirka Maaliyadda ee DFS oo kulan la qaatay xubno ka tirsan hay’adaha lacagta adduunka ee IMF & World Bank

Muqdisho (Halqaran.com) – Sii-hayaha wasiirka maaliyadda ee xukumadda federaallka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan fogaan arraga la qaatay xubno ka tirsan hay’addaha lacagta Aduunka ee IMF iyo World Bank waxaana ay lkaga wada-hadleen saameynta covid-19 uu ku yeeshay dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda dowladdqa Soomaaliya sido waxa uu sheegay in  shirkaan ay soo qaban qaabiyeen hay’addha IMF iyo World Banka waxaana sidoo kale ka qeyb-galay wasiiradda maaliyadda ee qaaradda Africa hase ahaate waxaa uga badnaan xoogga lagu saaray sidoo qaaradda ay isaga kaashan laheyd ka hortagga saameynta uu ku yeshay dhaqaalaha Africa covid-19.

“Waxa aan ka qeyb galay shir ay wadajir u soo qaban qaabiyeen IMF iyo World Bank, isla markaana ay ka soo qeyb galeen Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika.oo aan ka wada hadalnay sidii aan isaga kaashan laheyn saameynta uu qaaradda ku yeeshay xanuunka Covid-19. Ayuu yiri sii hayaha wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn sii hayaha wasiirka maaliyadda dowladda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa waxa aan uga mahadcelinayay labada hey’adood sida ay had iyo jeer noo garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...