Garoowe (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Garoomada ee dowlad goboleedka Puntland Ilyaas Cusmaan (lugatuur) ayaa sheegay in Puntland ay kamid tahay maamulada uu saameynta ugu ballaaran ku yeeshay Cudurka Safmareenka ah oo Coronavirus oo Caalamka dad badan ku dilay, sidoo kalena Soomaaliya laga helay kiisas kamid ah.
Wasiirka oo la hadlay mid kamid ah Warbaahin ka howlgasha degaannada Puntland ayaa sheegay in laga soo bilaabo bishii Maarso ee sanadkaan aysan Shaqeyn Saddexda Garoon ee ku yaalla deegaannada Puntland maadaama dowladda Soomaaliya ay sababo lax iriira COVID-19 ay u joojisay duulimaadyada Caalamiga ah.
Ilyaas Lagatuur ayaa sheegay in saameynta dhaqaale ee ka dhashay Cudurka Coronavirus ay Puntland la qabtay dunida inteeda kale maadaama dhamaan dalalkaas ay joojiyeen isku socodka dhinaca Hawada ah.
Si kastaba, DF Soomaaliya ayaa dhawaan si kala gooni gooni ah waxaa ay u furtay duulimaadyada Gudaha iyo Dibadda, waxaaana ay sheegtay in saameyn ballaaran oo dhinaca dhaqaalaha ah ay ku yeesheen xirnaanshihii duulimaadyada ee sababta u ahaa COVID-19.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





