Monday, May 11, 2026
28 C
Mogadishu

Hoggaamiyaha Iran Ayatollah Cali Khamenie oo si kulul u eedeeyay Yurub

Tehran (Halqarancom) – Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei ayaa sheegay in Yurub ay ku guul darreysatay inay badbaadiso heshiiska caalamiga ah ee nukliyeerka, kadib markii Washington ay ka baxday.

Ayatollah Cali Khamanei ayaa ku eedeeyay dalalka Yurub inay sameynayaan balanqaadyo qarsoon oo wax yeeleeya dhaqaalaha Iran.

Wuxuu sheegay, in dalalka Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ay doonayaan inay sii wadaan heshiiska, kaas oo ahaa in lagu xakameeyo himilada nukliyeerka ee Tehran.

Madaxweynaha Mareykanka Donlad Trump oo dhaleeceeyey heshiiska ayuu sheegay, in Mareykanka uu ka saaray laba sano ka hor, kadibna wuxuu soo rogay cunaqabateyn ballaaran oo looga golleeyahay inuu ku qasbo Iran inay dib ula xaajooto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...