Wednesday, May 27, 2026
27.9 C
Mogadishu

Daawo Sawirro: Xaflad sagootin ah oo loo sameeyay madaxdii ka qeybgashay Shirkii Dhusamareb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Munaasabadda lagu Sagootinayey madaxdii iyo wufuudii ka qeybgashay shirweynaha wadatashiga Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha Xubnaha ka ah dowladda dhexe oo dhawaan kusoo gabagaboobay magaalada dhuusamareeb ayaa  lagu qabtay Magaaladaasi

Waxaana munaasabada ka qeyb-galay  Ra’isulwaaraha xukumadda federaallka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayere Madaxweynaha  Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi  Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koofur galbeed Soomaaliya  Cabdul-casiis Xasan laftagareen, Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid wasiiro iyo xildhibaano ka tiran dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale munaasbaad waxaa ka qeyb-galay ururada bulshada rayidka sida haweenka iyo waxgaradka deegaanka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (qoor-Qoor ayaa u mahadceliyay dhammaan madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka sida ay u ajiibeen in gogosha wadatashiga ay isugu yimaadaan magaalada Dhuusamareeb waxaana uu intaa ku daray in shirka wadatashiga ee soo gaba-gaboobay ay kasoo baxeen waxyaabo dan u ah masiirka dadlka iyo dadka soomaaliyeed.

“Waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad iiga ajiibteen inaan gogosha wadatashiga aan dhigno Dhuusamareeb aan uga hadalno ayaaha dalka maadaama lagu jiro marxalada kala guud ah loona baahanyahay in si wadajir loo wajaho arrimaha doorashooyinka soo socdo ee 2020/2021 ayuu ku daray madaxweyne Qoor Qoor.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...